Top 10 Key Lessons from “Do it Today” Book by Darius Foroux
- Do important tasks today, don’t wait for tomorrow.
Qabo shaqo kasta oo muhiima manta. Ha u dib dhigan waxaad maanta shaqaban karto berri. Markasta oo aad caadaysato dib-u-dhigashada, hawlaha iyo shaqooyinkuna way kugu sii badanayaan. Taasi oo sababay inaad hadhow ka caajisto markay kugu bataan.
- Create a System, Don’t Just Rely on Willpower:
Waxkasta oo aad qabanay u samayso nidaam iyo qaab aad u qabato. Samayso caadoyin iyo dhaqamo kuu gaara oo aad hawlahaaga ku qabo, isla markaana ka dhig kuwo joogto ah. Joogtayntu waxay kaa caawinay in wax soosaarkaagu fiicnaado.
- Focus on What Matters:
U qabo shaqooyinka sida ay kuugu kala muhiimsan yihiin. Ha isku mashquulin waxyaabaha aan muhiimka ahayn. Markasta awooda saar waxa noloshaada wax kusoo kordhinaya isla markaana muhiimka u ah.
- Strengthen Your Mind and Body:
Ku dadaal markasta sidii aad u dhisi lahayd maskaxdaada iyo jidhkaagaba. U tababar maskaxdada inay xalin karto dhibaatooyinka. Markastana ku dadaal inaad ahaato mid firfircoon.
- Make Daily Progress:
Horumar waxaad ku gaadhi shaqooyin yar yar oo aad maalin walba qabato. Tusaale ahaan, hadaad rabto inaad xirfad cusub barato, 30 daqiiqo oo maalin kasta ah waxay kaa dhigi inaad xirfadaas si fiican u barato. Sidaa darteed, samee maalin kasta waxa aad rabto inaad guul ka gaadho.
- Limit Social Media and Internet Distractions:
Dhibaatooyinka inaga haysta inaynu horumar fiican samayno waxaa kamida isticmaalka aallada social media iyo internet ka. Xadid isticmaalka aalladahan. Waqtiga aad ku lumin lahayd iyaga, qabo wax kale oo horumar kuu horseedi kara. Caadona ka dhigo inaad joogtayso yaraynta isticmaalka social media ha.
- Master Time Management:
Waxyaalaha ugu adag nolosha inaad maarayso waa waqtigaaga. Hadanad waqtigaaga maamulin, horumar ma gaadhaysid. Awooda saar sidaad waqtigaaga uga faaidaysan lahayn. Samayso jadwal cayiman oo aad raacdo maalin walba. Yaree waxyaalaha aan macnaha lahayn ee ku mashquulinaya maalin walba.
- Solve Small Problems Early;
Xalli dhibaatoyinka yar yar marka hore si aanay kuu mashquulin, hana dib dhigan. Sababtoo ah hadaanad hadda xallin, waxay caqabad kugu noqonayaan markaad xallinay dhibaatoyinka waaweyn. Sidoo kale waxaba laga yaaba inay iyagu isu beddelaan dhibaatoyin waaweyn.
- Do What Excites You:
Qabo waxyaalaha aad xiisaynay. Tani waxa yaraynay dib udhigashada nafta. Haday shaqo tahay ama waxbarasho, raadso shaqo ama waxbarasho aad xiiso iyo yididiilo u hayso.
Stick to Good Habits:
Yeelo caadooyin wanwanaagsan oo aad joogtayso maalin walba. Sida inaad quraan akhrido, inaad jimicsato, inaad xirfad cusub barato, inaad buugaag akhrisato, IWM. Caadooyinkaas wanwanaagsani markay ururaan, waxay kaa dhigayaan qof wax soosaar leh mustaqbalka.
Haddaad doonay inaad akhrido buuggan, waxaad kala degi kartaa hoos.
Download From Here